1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro Garba-haarrey.

Magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa la filayaa in saacdaha soosocda ay gaaraan wufuud ay hogaaminayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmadda Dhoobley ayaa dib ugu laaban doono Kismaayo, waxaana la filayaa in mudo labo sanno ah kadib uu caga dhigo gobolka Gedo, gaar ahaan Xarunta Gobolka ee Garbahaarey oo uu ka dhisnaa maamul ka madax banaan Jubbaland labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Ujeedka safarka Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ku tagayaan gobolka gedo ayaa ah sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-xogogaal, dib u heshiisiinta Jubbaland, iyo wadahadal lala gallo maamulka ka dhisan Gobolka Gedo oo tabasho xoogan ka qaba Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale safarka Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku qotoma kormeerida dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada hoos taga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo kamid ah goobaha ay sida ba’an u sameeyay abaarta baahsan ee xiligaan ka jirta guud ahaan Soomaaliya.