1 min read

Macalimiinta iyo Garsoorayaasha Kubbadda cagta Soomaaliya oo tababar loo furay.

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maanta tababar FIFA u furay macalimiinta garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya, waxaana tababarkaasi maal gelineysa Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Tababarkan oo socon doona ilaa iyo 7-da bishan ayaa waxaa ka qeyb galaya 22 macalimiinta garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliya.

Somali Football Federation