1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay samaynayso tira-koob dadweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Agaasimaleyaasha Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ka shaqeysa arrimaha tirakoobka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay mudnaanta qabashada tirakoobka guud ee dadweynaha ah, kaasi oo laga samayn doono dhammaan gobolada dalka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in ‘ in Dowladda ka go’an tahay qabashada Tirokoobka Dadweyne, oo gundhig u noqda dejinta qorshe qaran oo wax ku ool ah’.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee dalka oo la sameeyay ayaa waxaa lagu oggaaday in qiyaastii tirada dadka Soomaaliyeed ay tahay in ka badan 12 Milyan.