1 min read
Booliska Nigeria oo xiray nin dadka u sheegay in Nebi Ciise uu u imaanayo.
Booliska Nigeria ayaa xiray nin baadari ka ahaa kaniisad ku taalla gobolka Ondo kadib markii qeybta hoose ee dhismaha kaniisadda laga soo saaray dad ku dhaw 80 qof oo u badnaa carruur.
Baadariga ayaa dadkan intooda badan u sheegay in Nebi Ciise (C.S) uu imaanayo bishii April ee aanu soo dhaafnay ee sanadkan.
Wuxuu sidoo kale dadkii u sheegay in haddii ay dhici weyso taas in bisha September uu imaanayo.
Waxaa booliska dhacdadan ku wargelisay haweeney kamid ah dadkii laga soo saaray dhismaha hoose ee kaniisadda.