1 min read

Ururka IGAD oo baaq ka soo saaray xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee kasoo dhex cusboonaatay Dowladaha Suudaan iyo Itoobiya.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay labada waddan inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda iyo inay si firfircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.

gaar ah ugu soo baxay Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan ay aasaaseen urur goboleedka IGAD, urur-ganacsiyeedka iyo ammaanka Bariga Afrika oo ka kooban siddeed waddan oo la aasaasay 1986kii.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “8-da wadan ee IGAD ayaa kala ah Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan iyo Uganda.”

Horaantii Arbacadii, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay is xakameeyaan oo ay bilaabaan wadahadal ku saabsan muranka soohdinta.

Dowladaha Itoobiya iyo Suudaan ayaa hadda midba midka kale ku eedeynaya “daandaansi” ka dhashay dhacdo dad lagu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii hore.