1 min read

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay xoojinayso Xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay Munaasabada 1 Luuliyo.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 62-aad ee Qarannimadaada.

Maraykanku wuxuu taageerayaa dadaalkaaga ku aaddan dib u dhiska, kobcinta dhaqaalaha, iyo Xoojinta Nabada Soomaaliya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Mareykanka waxaa rajeynaya inuu sii xoojiyo iskaashiga xooggan ee uu la leeyahay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Hadalka ayaa ku soo aadaya xilli dalka ay ka socdaan munaasabado loogu dabaal dagayo maalinta xurriyada iyo midowga koofurta iyo waqooyiga dalka.