1 min read

RW Xamse “Maalmaha xorriyadda waa kuwo micno iyo qiimo gaar ah ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed..”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusayay 1-dii Luulyo oo ay kasoo wareegatay 62-sano markii ay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur midoobeen, kadibna ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu hambalyo ku aaddan maalintaan la wadaagay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa sheegay in Maalmaha xorriyadda ay yihiin kuwo micno iyo qiimo gaar ah ugu fadhiya masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in madaxbanaanida maanta ay heystaan dadka Soomaaliyeed aysan ku imaan si dhib yar.

“Maalmaha xorriyadda kuwo micno iyo qiimo gaar ah ugu fadhiya masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhammaanteen ognahay innaysan madax-banaanida aan maanta haysano si dhib yar ku imaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay inay jiraan oo halyeeyo badan oo dhiiggooda, dhididkooda iyo naftoodaba u soo huray helidda Qaranka aan maanta ku naallooneyno.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed xusuusiyey in muhiimad gaar ah ay maalin u leedahay, isagoo ugu baaqay inay u midoobaan horumarka iyo dib u soo kabashada dalkooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Waaaare Xamse ayaa Umadda Soomaaliyeed u rajeeyay nabad qab, barwaaqo iyo baraare, kaas oo ay ku gaaraan sannadka dambe iyo dalka oo ka baxa dhibka ku jiro, taas oo ay ugu horreyso abaarta daran.