1 min read

Xuska 1-da Luulyo oo Muqdisho lagu qabtay & Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay.

Xalay magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay munaasabadda 1-da Luulyo oo ay kasoo wareegatay 62-sano guuro, waana markii ay ka xoroobeen gobollada Koofureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimdii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Xuska Munaasabadda maalinta xorriyada ee koowda Luulyo, waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamze Cabdi Barre Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Madaxdii halkaas khudbadda ka jeediyay waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya kaas oo is dul istaagay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey dowladnimadda Soomaaliyeed, tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xornimada dalkeenna loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-Juun ee sanadkii 1960-kii ay noqoto magaalada Hargaysa goobtii ugu horreysay oo laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay Maalinta midnimada.