1 min read

QM oo farriin u dirtay Shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyey Munaasabadda 1 Luuliyo oo ku began sannad-guurada 62-aad ee Madax bannaanida Gobolada Koofureed iyo Midowga labada gobol.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ergeyga ayaa waxaa uu ku yiri :

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan”