3 mins read

Mareykanka oo war aan wanaagsanayn u sheegay dadka TikTok isticmaala.

Warbixin cusub oo la shaacieyey ayaa lagu sheegay aaladda TikTok inuu halis ku yahay xogaha xasaasiga ee dalalka iyo shaqsiyaadka.

Horayna waddamo kale ayaa dalkooda ka mamnuucay isticmaalka aaladda ama barnaamijka TikTok uu Shiinaha leeyahay, kaddib marki ay ogaadeen iney xogaha shaqsiyaadka iyo tan dalalkaba u dhacdo.

Aaladda TikTok ayaa la sheegay iney TikTok u isticmaalin madaadaala oo keli ah balse ay jabsashada xogaha sirta u isticmaasho Beijing.

“TitTok ma aha sidaa dusha sare uu uga muuqdo oo keli ah. Mana ah oo keli ah App lagu wadaago muuqaallo iyo sawirrada qosolka ah. Balse TikTok waxay u shaqeysaa si casri ah,” ayaa warbixinta lagu yiri.

Aaladdan si fudu ayey xogaha u uruurisaa una keydisaa, xogahaasi oo isugu jira kuwa qabya ah iyo kuwa dhmmeystiran iyada oo mararka qaar xogahaasi uu cod ahaan u isticmaalo.

Aaladda TikTok waxay si fudud u uruurineysaa xogo xasaasi ah oo ay shaqsiyaadka bartaasi isticmala leeyihiin.

Haddaba App-kan waxaa lagu sheegaa iney dowladda Shiinaha u naqshadeysay in xogaha qarsoon iyo kuwa aan qarsooneenba ay si fudud ugu hesho si doorka hoggaamineed ee ay dunida ku leedahay ay u sii xoojiso.

Warbixin toddobadki hore la soo saaray waxaa lagu sheegay caddeymo horleh oo muujinaya TikTok iney halis ku tahay amniga qaranka.

Sida oo kale warbixinta waxaa lagu sheegay TikTok iney ku guul darreysatay iney u hoggaansanto shuruucda App-ka App Store iyo Google Play ay ku shaqeeyaan.

Warbixintu waxay walaac ka muujisay khatarta App-ka TikTok uu u leeyahay sirdoonka dalalka in qaab online ah ay xogta ay Shiinuhu doonayaan qaab aan la fahmeyn ay ku helaan, taasina ay tahay halis dunida oo dhan ku soo fool leh.

Bishi March 2020-kii cilmi-baarayaal baaritaan sameeyey waxay sheegeen TikTok oo adeegsanaya App Store iney u dhaceen xogaha xasaasiga ee dadka bartaasi isticmaalo.

Xogahaasi oo ay ka mid yihiin sirta akaawunnada dadka TikTok isticmaalo oo ay  helaan, cinwaannada kaararka qaab online ah wax lagu kala iibsado, cinwaannada qofka u gaarka ah iyo farriimaha ay shaqsiyaadka isdhaafsadaan.

Sanaddi 2021-kii TikTok waxay oggolaatay iney $92 malyan oo doolar ay ku bixiso kiis maxkamadeed oo loo haystay, kaddib cadaadis xooggan ay la kulantay.

Waddamada horay u mamnuucay TikTok

Dowladda Hindiya ayaa dalkeeda horay uga mamnuucday isticmaalka aaladda TikTok iyo barnaamijyo kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo ay sheegtay in ay khatar ku yihiin dalkeeda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay “in barnaamijyadaas ay khatar ku yihiin madaxbannaanida dhuleed, sumcadda iyo ammaanka dalka Hindiya”.

Guud ahaan waxaa dalkaas laga mamnuucay 59 barnaamij ama App, waxaana kamid ah Wechat.

Wasiirka warfaafinta ee Hindiya, ayaa sheegay in sababta ay u mamnuucayaan isticmaalka barnaamijyadaas ay tahay dacwo uga timid meela kala duwan.

Dadkaas ayuu wasiirka sheegay in xogtooda khaaska ah loo dhacay iyadoo aanan wax oggolaansha ah la weydiinin.

Waa arrin si dhab ah u taabaneysa madaxbanaanida dalkeena, waana arrin walaaceeda leh oo u baahan in si degdeg wax looga qabto,”ayuu yiri wasiirka.

TikTok oo xaruuntiisa ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa caan ka noqday gudaha dalkaas, kahor inta uusan ku baahin dalalka kale ee caalamka.

Dalka ugu badan ee aadka looga isticmaalo TikTok ayaa ah dalka Hindiya, waxaana adeegsada dad lagu qiyaasay 120 milyan oo qof.

Shirkaddan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir toos la leedahay dowladda Shiinaha, xogta khaaska ah ee dadka isticmaalana ay u gudbiso dowladda.

Dalalka aadka u dhaliila waxaa kamid ah Mareykanka oo qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee dalkaas ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo TikTok.

Liiska barnaamijyada laga mamnuucay dalka Hindiya waxaa sidoo kale kamid ah kuwa lagu dheelo barnamaijyada ciyaaraha.

Xigasho:BBCSomali