1 min read

SHIRKII XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADDA CAGTA OO LAGU ANSIXIYAY QODOBO MUHIIM AH.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa maanta oo Khamiis ah 30-ka juun qabtay shirweynihiisa sanadlaha ah kaasoo looga dooday laguna ansixiyay dhowr qorshe oo ku saabsan horumarinta kubadda cagta Soomaaliya.

Dhammaan xunaha shirweynaha oo ay ku jiraan Kooxaha kubbadda cagta, Maamul goboleyada iyo Ururadda Kubadda Cagta ayaa ka soo qayb galay shirweynaha.

Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka 2021 waxaa loogu gudbiyay shirweynaha buugga waxqabadka, halka sidoo kale lagu ansaxiyay qoraal maaliyadeedka 2021, qorshe hawleedka 2022 iyo Miisaaniyadda 2022 loo akhriyay shirweynaha si loo hergaliyo dhamaan qorshayaashaas.

Dood dheer oo furan ka dib si waafaqsan dastuurka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, shirweynuhu wuxuu si aqlabiyad ah ku ansixiyay qodobada hoos ku xusan.

• Qoraalka waxqabadka sanadki 2021 iyo qorasha sanadka 2022.

• Qoraal Maaliyadeedka Sanadki tagay ee 2021 oo soo bandhigay Gudiga Hanti-dhowrka Xiriirka Somaliyeed ee kubadda Cagta iyo Shirkadda u qaabilsan Xiriirka Somaliyeed ee kubadda cagta arimaha Auditing ka ee Baker Telly.

• Qorshaha qoraalka Maaliyadeedka Sanadka 2022 oo eey soo bandhigeeyn gudiga dhaqallaha XSKC oo loo bandhigay Shirweynaha XSKC.

• Sharciyeenta, Bixinta Aqoonsiga Xubanaha Shirweynaha XSKC, Habka Casriga ee lagu maamulka Xubanaha guud ee Shirweynaha Xeerarka CAF iyo FIFA.

• Qorshaha qoraalka maaliyadda arimaha Garsoorka kubadda iyo Farsamadda Macaliminta la kordhiyo Sanadkaan si loo helo tayadda Waxbarashadda labadda qeybood.

• Hegalinta habka Casriga ah ee diwangalinta Ciyaartoyda ee FIFA TMS iyo (SFF/FIFA ID Connect) isku xeriddaka Maamulka diwangalinta ciyaartoyda XSKC iyo Xiriirka kubadda cagta aduunka FIFA.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, Cali Cabdi Maxamed, oo gaba gabadii shirka ka hadlay ayaa ugu horeyn ku bogaadiyay xubnaha shirweynaha sida wanaagsan ee ay u soo xaadireen, si cad oo ay uga doodeen, isla markaana ay si wadajir ah u ansixiyeen dhammaan ajandayaasha horyaallay shirweynaha.