1 min read

Sheekh Shariif ‘Caawa oo kale waxay aheyd dhacdo taariikhi ah oo ku asteysan xorriyad iyo midnimo…”

Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ugu hambalyaynayaa sanad guurada 62-aad ee ka soo wareegatay markii ay xoroobeen gobolada Koofureed, isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koofur.

Caawa oo kale waxay aheyd dhacdo taariikhi ah oo ku asteysan xorriyad iyo midnimo, munaasabaddan awgeed waxaan dadka Soomaaliyeed iyo Hoggaanka dalka u jeedinaya in la xoojiyo walaalnimada iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan u baahan nahay in Soomaali iskaashato, is garab qabato keeda abaartu hayso si aan u gaarno asaageen, sharafkeena waxaan kor ugu qaadi wadajir iyo Soomaalinimo.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo kowda Luulyo.