madaxweyne Zelensky Afrika waxaa af-duub ahaan u heysta dagaalka aan kula jirno Ruushka”
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Isniintii sheegay in Afrika “ay la-heyste” u tahay dagaal ay kula jiraan Ruushka, kaas oo sababay sare u kaca qiimaha cuntada ee qaaradda Afrika.
Wadamada Afrika waxaa si weyn u saameeyay dhibaatada sii kordheysa ee keentay in qiimaha raashinka, Saliidda, Shidaalka iyo Bacriminta ay sare u kacaan.
Ruushka iyo Ukrain ayaa soo saara ku dhawaad saddex meelood meel ka mid ah sahayda qamadiga adduunka, halka Ruushku sidoo kale yahay dalka adduunka ugu badan ee dhoofiya bacriminta iyadoo Ukraine ay tahay dalka dhoofinta ugu weyn ee saliidda galleyda.
Khudbad uu u jeediyay madaxda Midowga Afrika ayuu Zelenskiy ku sheegay in qaaradda ay la soo gudboonaatay xaalad adag.
“(Anigu) waxaan idin kula hadlayaa xaalad degdeg ah, marka aan dagaal ku jirnno. Xaalad degdeg ah oo adduunka oo dhan ah, sidaa darteed Afrika dhab ahaantii waa la hayste. Waxay u afduuban tahay kuwii bilaabay dagaalka ka dhanka ah dawladnimadeenna,” ayuu Zelenskiy ku yiri khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Midowga Afrika.
“Dagaalkani waxa uu u ekaan karaa mid aad idin kaga fog adinka iyo wadamadaadaba. Laakiin qiimaha cunnada ee si weyn u kacay ayaa mar horeba musiibada u keentay malaayiin qoys oo Afrikan ah.” ayuu raaciyay Zelenskiy.
Moscow ayaa diidday eedaymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay si ula kac ah u xannibayso dhoofinta raashinka ee Ukraine waxayna sheegtay in qiimaha cuntada iyo shidaalka ee caalamka uu sare u kacay ay sabab u tahay cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka.
Horraantii bishii June, madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa sheegay in Vladimir Putin uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu awood u yeesho dhoofinta qamadiga Ukraine, si loo yareeyo dhibaatada cuntada adduunka oo si adag u saamaysay Afrika.
Reuters.