1 min read
Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha guddiga dib u eegista iyo la-socodka Dastuurka.
MUQDISHO — Fadhigii maantaa ee Aqalka Sare ayaa Senatarradu ku ansixiyeen shanta xubnood ee ku meteli doona guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee guddiga isku dhafka ah ee labada golle.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/06/10060000-0aff-0242-a7c1-08da537b2621_cx0_cy14_cw0_w408_r1_s.webp)
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 43 mudane ay u codeeyeen ansixinta xubnaha guddigan, halka hal mudane uu diiday.
Xubnaha guddigan ayaa kala ah;
1. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
2. Iftiin Xasan Iimaan Baasto
3. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
4. Saalax Axmed Jaamac
5. Xasan Xuseen Xaaji