|

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxayo Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Duleedka Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheikh Ibraahim.

Qaraxa oo jugtiisa in badan laga maqlay qeeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa sida la sheegay ka dhex dhacay Farmashi ku yaala Tableeha Sheikh ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso lagu dhex qariyay farmashiga taa oo keentay in uu qeeybo kamid ah farmashigu burburo, sidoo kalana dhaawac soo gaaro shaqaalihii farmashiga.

Warar hoose oo soo baxayo ayaa shegaya in maamulka iska leh farmashiggaan la qarxiyay ay diideen amar ka soo baxay Dagaalamayasha Al-Shabaab kaas oo ay ku doonayeen inay bixiyaan lacag lagu sheegay Sakawaad.

Markii uu qaraxu dhacay waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyagoo .sameeyay baaritaano kala duwan inkastoo aysan howlgalka ay sameeyen aysan cidna kusoo qaban.

Posted by on Jun 21 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]