Booliska kenya oo kahadlay weerar kadhacay waqooyi bari kenya.
Dabley hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku burburiyay xarun isgaarsiineed taasi ooo ku taalla deegaanka Rhamu oo katirsan ismaamulka waqooyi beri Kenya sida ay shaaciyeen saraakiil katirsan booliska Kenya.
Taliyaha booliska gobalka waqooyi bari Kenya oo lagu magacaabo George Seda ayaa sheegay in ay heleen xog laxariirta in dableysan oo hubeysan oo ay aaminsanyihiin iney katirsanyihiin Alshabaab Ay weerar kuqaadeen dhismaha xarun isgaarsiineed taa oo kutaalla deegaanka Rhamu oo katirsan gobalka waqooyi beri Kenya .
Faahfaahin dheeraad ah kamabixin booliska Kenya khasaaraha kadhashay weerarkaas marka laga soo tago iney shaaciyeen in qarax lagu burburiyay dhismaha xarun isgaarsiineed islamarkaana qaraxaas loo adeegsaday bam lagu xiray dhismaha xarunta isgaarsiinta.
Booliska Kenya ayaa xusay In dableyda weerarka soo qaaday ay ubaxsadeen dhanka xadka Somalia iyo Kenya iyagoo intaa kudaray in ciidamada amaanka Kenya ay howlgallo kawadaan deegaanka weerarka uu kadhacay.
Tan iyo markii ciidamada Kenya ay qeyb kanoqdeen ciidamada midowga Africa Amisom ee hadda loo badalay ATMIS Alshabaab ayaa weeraro kuqaadayay kolonyada ciidamada Kenya ee isticmaala xadka Somalia iyo Kenya sidoo kale weeraro toos ah ayay lakulmayeen ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya.