1 min read

Hay’adda duulista hawada oo sheegtay in la joojinayo diyaarado.

Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ‘wax halis ku ah badbaqabka duulimaadyada’ dalka kadib markii la faafiyay hadallo sheegayo in laga bilaabo maalinta berri ah la joojinayo duulimaadyada.

Hay’adda waxay sheegtay in aysan wax war ah ka heyn warqad lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegeysay in la joojinayo dhammaan duulimaadyada dalka.

“Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay mas’uul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba” ayaa lagu yiri qoraal hay’adda ay soo dhigtay barta Facebook.