1 min read

Dhallinyarada Afrika maxay intood badan u doonayaan inay ka tagaan dalalkooda ?

Sahano iyo cilmi baaris cusub oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in saddex meelood laba dhallinyarada Afrika aanay ku qanacsaneyn halka ay ku sii jeedaan dalalkooda ama qaaradda ay ku noolyihiin laakiin ay qabaan in mustaqbalkooda ay iyaga soo dhacsan karaan ama dhisan karaan.

U

Cilmi- baarayaasha ayaa sameeyey in ka badan afar kun oo wareysiyo fool ka fool ah oo ay ka sameeyeen 15 dal oo Afrika ah dhallinyaradooda.

In ka badan kala bar ayey sheegeen cilmi baarayaashu in ay dhallinyaradu rabeen in ay tahriibaan sanadaha soo socda halka qiyaastii in ku dhow 80% ay qorsheynayeen in ay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin

Ivor Ichikowitz oo ah ganacsade u dhashay koofur Afrika oo hay’addiisu sameysay sahankaas wuxuu sheegay in Dhallinyarada Afrika ee maanta waa jiil aan rumeysneyn in mustaqbalkoodu uu ku jiro gacanta dowladaha ama gacanta deeq bixiyeyaasha ama gacanta meelo kale

‘’ Waa jiil aqbalay in ay mustaqbalkooda ku gaari karaan gacmahooda kuna qanacsan ‘’ ayuu yiri

‘’ Afrika Waxaa jira arrimo culus waa in aanan iska ido tirin , waxaa jira arrimo saboolnimada la xiriira , waxaa jira arrimo cuduro la xiriira , waxaa jira arrio waaweyn ..laakiin jiilkan waxay rumeysan yihiin in ay wax ka qaban karaa ‘’ ayuu sii raaciyey