1 min read

Dowladda Ingiriiska oo lagu cadaadinayo in aanay magangalyo-doonka keenin Rwanda.

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalada London ayaa diiday baaq ku saabsanaa in la joojiyo qorshaha dowladda Ingiriiska oo ah in la bilaabo daadgureynta dadka magangalyo doonka ah ee la geynayo dalka Rwanda .

Xaakimka lord Sigh ayaa hakiyey go’aan ay soo saaratay maxkamadda Sare toddobaadkii hore.

Duulimaadkii ugu horreeyey ee taga magaalada Kigali ayaa dhici lahaa maalinta Talaadada ee berri.

Dowladda ayaa sheegtay in siyaasaddaa ay uga dan leedahay in looga hortago tahriibinta dadkalaakiin waxaa jirtay dhaliilo xoog leh oo sameynayeen asxaabta mucaaradka ee Ingiriiska iyo Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay .

Hay’adda MSF ayaa arrintaa ku tilmaantay mid fool xun oo qatar ah.

Dhageyssi maxkamadeed oo gaar ah ayaa sidoo kale dhacay waxaana la filayaa in ay yimaadaan waxyaabao kale oo dhinaca sharciga arrintaa lagu diidan yahay.