1 min read

FAAHFAAHIN:- HAWEENEY LAGU KUFSADEY, LAGUNA DILEY GUBADLEY.

Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay (Axad) la kusadey haweeney lagu magacaabo Xaajiyo Macalin Xuseen oo ahayd Haweeney Xaas ah oo degaankaasi ku nooleyd.

9

Haweeneydan ayay wararku sheegayaan in iyadoo Raadineysa Ari ka lumey la kufsadey kadibna la diley.

Ilaa xalay ilaa saakey ayaa la raadinayay meydka Xaajiyo oo Markii dambe la helay maanta barqadii.

Ehelada Marxuumada oo la xiriir maamulka deegaanka Gubadleey ayaa kiiska u gudbiyay maamulka degmada Huriwaa oo ay Gubadley ka tirsan tahay, hase yeeshee iska daba wareejin kadib ayay u sheegeen in aysan waxba ka qaban karin, sida ehelada qaarkood ay ii sheegeen.

Marxuumada oo shan caruur ah ( afar wiil iyo Gabar) oo aad u yar yar ka tagtay ayaa la aasey galabta.

Falalka noocan oo kale ah ayaa soo noq-noqda waxayna u baahan yihiin wax ka qabasho.