1 min read

Ergeyga Abaaraha oo la kulmay Beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan kulan la yeeshay qaar kamid ah Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ku qabsoomay fogaan arrag ayaa waxaa soo agaasimay Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda Abaarta daran ee ka jirta dalka iyo sidii gacan looga geysan lahaa Gurmadka.

Ergayga oo Dowladda Jarmalka iyo dawladaha kaleba ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqanayo in ay macluul isu beddesho.

Ergeyga ayaa xubanaha Shirka ka qeyb galay ka codsaday in ay kordhiyaan tageeradooda dhaqaale Isla markaana ka gacan siiyaan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Danjireyaasha ayaa ballanqaaday in ay ku dedaali doonaan in dowladahoodu kordhiyaan gacan ka geysashada abaaraha Soomaaliya iyaga oo Dhanka kalena tilmaamay in ay aad u daneynaynayaan wax ka qabashada sababaha iyo helista xal waara.