1 min read

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlay ka hortaga Masuq-maasuqa.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirwaynaha 8-aad ee caalamiga ah ee madashada Afrika ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, kaasi oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Soomaaliya ayaa socday sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo sida dalalka Afrika ay isaga kaashan karaan ciribtirkiisa.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin ka noqotay Hey’adaha isku dhafka ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa (FIGE) iyo kan bariga Africa.