May 2022
QM oo walaac ka muujisay abaarta ka jirta deegaanada KGS.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud safarka uu maanta ku tagay Magaalada Baydhabo, waxaa wafdigii uu hoggaaminayay qeyb ka ahaa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula iyo Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaas oo iyana halkaas u aaday ukuur gelida xaaladda abaareed ee […]
Adiga iyo Caruurtaada
Caruurtada ha siin wax kasta oo ey ku weydiistaan.Waxa ey weeynanyaan iyaga oo aaminsan in ey xaq u leeyihiin wax kasta oo ey rabaan in la siiyo. Ha u qoslin haddii ey ku dhawaaqaan Erayo Akhlaaq xumo ah.Waxa ey weeynaanayaan iyaga oo aaminsan Erayada Akhlaaq xumidu in ey yihiin wax caadi ah oo lagu qoslo […]
Mahad Salaad oo magacaabay madaxa sirdoonka NISA ee gobolka Banaadir.
MUQDISHO — Agaasimaha ha’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa maanta madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ka tirsanaa saraakiisha hay’adda NISA. Sarkaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee uu magacaabo maamulka cusub ee NISA ayaa lagu sheegay inuu leeyahay khibrad dhinaca amniga ah, isaga oo qaban […]
TPLF oo sheegtay in dagaal hor leh ay la gashay Eritrea.
Xoogagga ku sugan gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dagaal hor leh ay la galeen dalka deriska la ah ee Eritrea. Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF, oo sanad iyo bar dagaal kula jirta dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda […]
CCW “Waa in la sii daayaa raashiinka gargaarka ee ku xayiran garoonka…”
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda abaaraha dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro baahsan. Wuxuu intaas ku daray inuu jiro arashiin ku xayiran garoonka. “Konton berri ka badan ayaa garoonka […]
Furuqa daanyeerka oo uu qof ugu dhintay wadan ku yaalaAfrika.
Nageria ayaa xaqiijisay kow iyo labaatan (21) xaaladood oo furuqa daayeerka tan iyo bilowgii sanadkan . Tani waa koror aad u weyn marka loo eego toddobo xaaladood oo la xaqiijiyay isla muddadaas (Janaayo – Maajo) ee sannadkii hore. Bayaan ay fiidnimadii Axadda soo saartay Xarunta Nigeria ee Xakamaynta Cudurrada, NCDC, ayaa lagu sheegay in nin […]
Qarax khasaare geystay oo Afgooye ka dhacay.
Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qarax miino ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay BBC-da u sheegeen illo ku dhawdhaw maamulka degmada. Qaraxa waxa kaloo ku dhaawacmay dad aan tiradooda la sheegin oo uu ku jiro gudoomiye kuxigeenkii hore ee amniga ee degmada Afgooye oo loo malaynayo inuu […]
Ergeyga gaarka ah Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay R/wasaare ku xigeenka Dalka.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md. Cabbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, caafimaadka, tamarta iyo biyaha, wasiirul dawladaha xafiiska Raysalwasaaraha, agaasamiyaal […]
Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Mahad Salaad oo maanta la wareegay xilka Hay’adaas.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad. Munaasabad oo ka dhacday Xarruunta Hay’adda NISA ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Talyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militeriga, Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga, iyo weliba Saraakiil ka tirsan Hay’addaha […]
Liverpool oo dalbatay in la baaro dhibaatadi taageerayaashooda loo geystay.
Liverpool ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyo qaabkii loo soo agaasimay kulankii ay la yeesheen Real Madrid, oo ay kooxda reer Spain ay hal iyo eber uga badisay. Kooxda Liverpool waxay dhacdadaasi ku tilmaantay ‘mid aan la aqbali karin.’ Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegay in kumannaan qof ay isku dayeen inay garoonka […]