1 min read
Mahad Salaad oo magacaabay madaxa sirdoonka NISA ee gobolka Banaadir.
MUQDISHO — Agaasimaha ha’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa maanta madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor oo ka tirsanaa saraakiisha hay’adda NISA.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/05/1AC50B0B-9C05-44F8-867A-D9BBFD8DC0D9_w408_r1_s.webp)
Sarkaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee uu magacaabo maamulka cusub ee NISA ayaa lagu sheegay inuu leeyahay khibrad dhinaca amniga ah, isaga oo qaban doona boos muhiim u ah amniga caasimadda Muqdisho.
Mahad Salaad oo Khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ay soo jeediyeen magacaabistiisa ayaa Axaddii shalay si buuxda ula wareegay agaasinka ha’adda NISA.