1 min read

TPLF oo sheegtay in dagaal hor leh ay la gashay Eritrea.

Xoogagga ku sugan gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dagaal hor leh ay la galeen dalka deriska la ah ee Eritrea.

O

Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda TPLF, oo sanad iyo bar dagaal kula jirta dowladda Itoobiya iyo xulafadeeda – oo ay ku jiraan ciidamada ka socda Eritrea- ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidamada Tigray iyo Eritrea uu dhacay toddobaadkii hore.

Getachew ayaa sheegay inay guul ka gaareen dagaalka isagoo Eritrea ku eedeeyay inay isku dayeyso inay xiisadda ka sii darto. Dhanka kale war laga baahiyay telefishinka Tigrai TV, oo xiriir la leh ciidamada Tigray ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ay labo maalin oo isku xigta bam ku garaacayeen magaalada Sheraro.

Eritrea weli kama hadlin arrintan oo aan sidoo kale loo xaqiijin karin si madax bannaan.