1 min read

CCW “Waa in la sii daayaa raashiinka gargaarka ee ku xayiran garoonka…”

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda abaaraha dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro baahsan. Wuxuu intaas ku daray inuu jiro arashiin ku xayiran garoonka.

“Konton berri ka badan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ku xariyan mucaawino ay keentay dowladda Qadar, waana in degdeg lagu sii daayaa” ayuu yiri.