|

Liverpool oo dalbatay in la baaro dhibaatadi taageerayaashooda loo geystay.

Liverpool ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyo qaabkii loo soo agaasimay kulankii ay la yeesheen Real Madrid, oo ay kooxda reer Spain ay hal iyo eber uga badisay.

Kooxda Liverpool waxay dhacdadaasi ku tilmaantay ‘mid aan la aqbali karin.’

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegay in kumannaan qof ay isku dayeen inay garoonka la soo galaan tigidho been abuur ah.

Wasiir ka tirsan dowladda Britain ayaa hay’adaha dowladda Faransiiska ku eedeeyey iney si xun ula dhaqmeen taageerayaasha kooxda kubadda cagta ee Livrpool xilli ay Paris ka dhaceysay ciyaarta kama dambeysta ah.

Brandon Lewis wuxuu sheegay iney u baahan yihiin iney helaan faahfaahin ku saabsan waxa meesha ka dhacay ee keenay in basbaas iyo sunta indhaha ka ilmeysiiso loo adeegsado taageerayaasha Liverpool.

xigasho:BBCSomali

Posted by on May 29 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]