4 mins read

Shacab tacbaan ah oo Low Battery ah, yaan Canshuurta lagu Badin=Nasashada Jimcaha.Q- 301=

(Murti Akhyaar loogu maahmaahana ma ahan).

  1. Mid Cabtooy ah ayaa lagu yiri, sideed Xamar ugu nooshahay oo aad wadooyinka u martaa, kuwa aan Cabsaneyn ayaaba khatar ku jiree, waxa uu yiri: Marka aan cabsanahay Taxadarkeeyga ayaan kor u qaadaa. Marka aan Waddada Gooynayo, waxaan iska Fiiriyaa Bidix iyo Midig si aan uga Badbaado Gaadiidka Ciidamada iyo Bajaajyada. Haddana waxaan fiiriyaa Kor si aan uga gambado Hoobiyaha iyo Madaafiicda. kadibna hoos ayaan fiiriyaa Haddii Dhulka Miino lagu aasay. waxaan fiiriyaa Gadaal haddii ey soo socdaan kuwa Dadka Af duubo, hore ayaan fiiriyaa Haddii wadada Isbaaro taal, haddii aan xaqiijiyo intaa in aan ka badbaadayo.
    Kadib ayaa Qarshadeeyda Cabitaanka Gacanta ku qabsadaa, Jidkana waxaan u jaray qaab Zig Zaag ah si aan ugu gooyo Xabbadaha Yar yar iyo Liifka. ( F.S: 1aad)
    ( Xamar Sida wadooyinka loo maro, waxaa yaqaan Cabtooyda iyo Ari Carbeedka)
  2. Xaawo iyo Duqeeda Axmed oo aad isaku wanaagsanaa muddo dheerna Farxad ku noolaa, ayuu Axmed ku yiri: Intii aan mar kasta isagu yeeri leheyn Magacyadeena oo kaliya, waxaan isagu yeereyna sifooyinka Qof waliba leeyhay. waxaana kuugu yeeri doonaa: Babe, Boqoradda .
    waxa ey tiri: Aniguna waxaan kuugu yeeri doonaa: Farmajo. waxa uu yiri: Maxaa dhacay Babe,?. waxa ey tiri: Ballamadii aad iga qaaday Arooskeenii ka hor Midna kama aadan fulin.
    ( war Haweenka iyo Bulshadaba Ballamada laga qaado ha la fuliyo)
  3. Cali ayaa u yimid saaxiibtii Aamino oo la fadhidu saaxiibkiis Axmed.
    Cali oo careeysan ayuu yiri: Aamino, Dibadda u bax. Kadibna Saaxiibkii Axmed ayuu weeydiiyay maxaad ula fadhiday Aamino ? Axmed ayaa ku yiri: Aniga ayeey i jeceshahay. Cali ayaa yiri: Labo Xabadood ayaa kor u rideeynaa, waxaan iska dhigeeynaa in aan is dilnay oo aan wada dhimanay, waxaan arkeeynaa kan ey ku dul Ooyso. sidii ayeey yeeleen.
    Aamino oo qeeylinee ayaa iridda ka soo gashay. waxa ey leheeyd. war Xusseeynoow soo bax Labadii Doqon waa dhinteene. (F.S: 2aad)
    ( Musharax Madaxweyne ayaa arkay, Xildhibaan uu Cod ka sugayay oo Musharax kale la Af furayo. waxa uu yiri: Labadeena Lacag ayaad naga wada qaadatay keed u codeeynee. waxa uu yiri: Labadiinee?. Hortiin ayaan Codkeeyga iibsaday )
    ( Lacagu waa qaadasho, Codkuna waa Ciddii aad rabto)
  4. Luqadda ingriiska, Ciyaal Xaafadda iyo Ciyaal Diaspora.
    Mid Ciyaalka Xaafadda Siigaale ah ayaa yiri: Gabar aan Luqadda Ingriiska aqoon oo Badawad ah, oo marka aan Raaxeysaneyno aan English ku hadleyn kama helo, ugu yaraan waa in ey tiraa, “Oh Yes” Haddii kale iska Gambi dheh .
    Ciyaal Diaspora aan Waalidkii dheheeyn “Say wallahi”, English mayaqaan, waalid dhaariye. Haddii Xil loo dhiibana, waxa uu Dadka ugu Been bilaabaa. Aniga oo Qurbaha ku heeystaa Shaqo fiican oo qaadanaya Mushaar aad u badan, ayaan uga soo tagay si aan Dadkeeyga Somaliyeed uga faa’iideeyo Aqoonteyda.
    ( Ar Luqaddii Engish-ka ee Jajabka aheyd miyaa Cilmi Noqotay)
  5. Xubinta Ragga “G” ayaa Saaxiibadii Xaniinyo ku yiri: waxaan aadayaa Xaflad “Party” waana is raaceynaa.
    waa ka diideen, waxa ey ku yiraahdeen taa horaad noogu sirtay Xafladihii hore. Mar kasta kaligaa ayaad Gashaa Xarunta Xafladda, Annagana Banaanka ayaa nalagu reebaa, Saan u garaaceeyno Albaabka Cidina nagama furto, weliba mar mar Xoog ayaan u garaacnaa, Adiga oo na maqlaa ayaadan soo baxdin. Markii ey xafladdu dhamaato ayaad soo baxdaa Adiga oo dhididayo.
    Iriddu waa mid aad looga taxadaray waxaa joogo Goolhaye ( Goalkeeper ) xatta haddii labada kubbadoodo hal mar lagu wada tuuro midina ma dhaafi karto Gool hayaha. Sidaa Darteed Xafladda Banaanka ayaan ka joognaa, Kumana raaci karno. Ogoow Ragganimadda aad sheeganee waa Annaga. ( F.S: 3aad)
    ( Horta istaafyada Madaxda maxaa Banaanka looga tagaa, Haddiiba Raganimada Madaxdu ey sheeganayaan ey iyaga ku xiran tahay)
  6. “Single mother” waayeel ah ayaa waxa shukaansaday Wiil Ciyaalka Xaafadda ah, waxa ey ku tiri: Haddii aad Caawa Ciyaari kartid 8-9 Ciyaarood, Diyaar ayaan kuu ahay. Wiilkii ayaa yiri: Caawa waxaa soo hilmaamay ” Power Bank-gii” G….keyga, ee Caawa aan ku tijaabino illaa uu Low Battery soo qoro. ( F.S: 4aad)
    ( Shacab tacbaan ah oo Low Battery ah, yaan Canshuurta lagu Badin)
    Qore: Yahya Amir