1 min read

Wasiirka Waxbarashada oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto Ceelwaaq.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abukar Xaaji ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee lagu doorto degmada Ceelwaaq, wuxuuna kusoo baxay kursiga Hop119, kadib markii musharraxii la tarmayay oo ahaa Cabdicasiis Cabdullahi Ibraahim uu u tanaasulay.

Doorashadan oo laga soo wareejiyay degmada Garbahaarey ayaa waxaa natiijadeeda ku dhawaaqay guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlada goboleed ee Jubaland.

15 kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka dhacdo Ceelwaaq, iyada oo dhinaca kale maamulka Garbahaarey ay ka horyimaadeen in laga wareejiyo doorashada.

Guddiga doorashada Heer Federaal ee FEIT oo saaka gaaray maaalada Ceelwaaq ayaa toddbaadkii hore ku dhawaaqay in sababo amni dartood aysan Garbahaarey u noqon karin goob ay doorasho ka dhici karto, iyada dhinca kale maamul Jubaland uu soo dhaweeyeen deegaan doorashada Ceelwaaq.