1 min read

Ganacsade Falastiini ah oo $30,000 ugu deeqay dib u dhiska suuqa Waaheen.

MINNEAPOLIS:-Bassim Sabri oo ah ganacsade Palestininan-American ah ayaa 30,000 oo dollar ugu deeqay taakuleynta suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo dhawaan ku bur-buray dab weyn oo sidoo kale ay ku hanti beeleen kumammaan ganacsato ah.

Sabri, ayaa guddiga gurmada suuqa Waaheen ee magaaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota guddoonsiiyay jeeg ay ku qorneyd lacagtan, waxaana gudigani ay uga mahadceliyay taageeradiisa.Ganacsadahan oo ah milkiilaha suuqa weyne ee Soomaalida Minneapolis ee Karmel Mall ayaa toddoodkii hore sheegay inuu gacan weyn ka geysanayo dib u dhiska suuqa Waaheen iyo sidoo kale kaalmeynta gacansatada ku khasaartay dabkaas.

Soomaalida Minenapilis ayaa dhinca kale maalihii lasoo dhaafay waday olole ay ugu qeyb qaadanayan gurmadka Waaheen, iyaga oo ku rajo weyn in taageero muuqata ay ku yeeshaan gurmadka dib u dhiska suuqan.