1 min read

Faah faahin: Qarax caawa ka dhacay Hotel ku yaala Xeebta Liido.

Qaraxa ayaa lala eegtay Hotelka Pescatore Sea Food oo Ah maqaayad dhawaan Xeebta Liido magaalada muqdisho laga furey.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u gashay hoteelka.

Sidda ay ilo lagu kalsoonaan karo ay noo xaqiijiyeen halka uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa saraakiil ciidan oo ka mid yahay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  Cabdi Xasan Xijaar.7

Waxaa sidoo kale joogay tiro xildhibaano ah oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee laga doortay deegaanada maamulka Puntland.

Inta badan xildhibaanadii iyo taliyaha ciidanka booliska ayaa la sheegay in ay nabad qabaan balse waxaa ku dhaawacmay taliyaha Saldhiga degmada Cabdicasiis iyo Ilaalo la socotay.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay balse wali rasmi ah looma xaqiijin karo inta dhimatay iyo inta dhaawacantay.