1 min read

Jadwalka Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka oo lagu dhawaaqay.

Guddiga Doorashada Guddoonka labada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka hadal jeedin Musharixiinta u taagan xilalka Guddoomiyaha, ku-xigeenadaa 1-aad iyo 2-aad.

Jadwalka ayaa waxaa lagu xusay waqtiga loo oggolyahay in Musharax kasta uu soo jeediyo khudbadda uu kaga hadlayo waxyaabaha uu qaban doono haddii uu ku guulleysto xilka uu u tartamayo.

Maalinta berri ayay Xildhibannada Golaha Shacabka kulan ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhageysan doonaan hadal jeedinta Musharixiinta.

Jadwalka Hoos ka akhriso: