1 min read

Arsenal oo Ghelsea ku debatay gurigeeda 4 iyo 2.

Arsenal ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Arsenal ku kala nasteen barbardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay da’ayarkooda Eddie Nketiah.

17 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Timo Werner kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Loftus-Cheek.

Smith-Rowe oo ay caawin kaga timid Martin Ødegaard ayaa daqiiqadii 27-aad wuxuu hoggaanka markale u dhiibay kooxdiisa Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.

Laakiin 32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Chelsea ayaa markale dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhagay Azpilicueta waxaana ka caawiyay Mason Mount.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo markale kooxda Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha kaddib markii uu Eddie Nketiah ka dhigay 2-3.

Daqiiqadii 90 + 2-aad kooxda Arsenal ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Bukayo Saka, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-4 ay ku hoggaamineysay Gunners.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-4 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, Gunners ayaa kaddib guushaan ay gaartay waxay soo fariisatay kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyada oo leh 57 dhibcood.