1 min read

Cristiano Ronaldo oo rikoor cusub jebiyay.

Xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay seddexley cajiib ah kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Tottenham Hotspur, wuxuuna magaciisa ku qoray buugaagta taariikhda isagoo jabiyay rikoorka gooldhalinta ugu badan ee kooxaha iyo mid wadanba,oo uu dhaliyay ciyaaryahan xirfadle ah oo kubada cagta ciyaara,

Saddexleydii uu dhaliyay Ronaldo ayaa Man United 3-2 kaga badisay Spurs taas oo ka caawisay in ay kor ukacdo rajadooda ah in ay soo galaan kooxaha afarta ah ee ugu sareeya.