1 min read

Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab ee deegaanka Jambaluul.

Muqdisho:- Ciidanka xooggga dalka guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal ballaaran oo lagula ciribtirayo maleeshayada  Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka shabeellaha hoose.

Ciidamada oo howlgalka si gaar ah kaga fuliyay deegaanka Jambaluul ayaa ku bur buriyay saldhigii Al-Shabaab halkaas ku lahaayeen, sidoo kale, waxay ciidamada cagta mariyeen goobo nabad-diidka shacabka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalo kale ka sameeyay Tuulooyinka kala ah,Banana,Sardhagool iyo wadada Xariirisa Afgooye iyo degmada Balcad, waxayna Howlgaladan qeyb ka yihiin howlgalada ay ciidamada xoogga dalka ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.