3 mins read

Haddaad Shidaal saxiixee, Indhaha kala fur!!!=Nasashada Jimcaha.Q-234=

  1. Nin Reer Xamar weyne ah ayaa waxa uu arkay Rati- Geel lab ah oo kaadinayo, kana kaadinayo hoos labada lug dambe Dhaxdooda. Maalintii Xigtay ayuu arkay Hal -Geel Dhidig ah oo Kor, dabada hoosteeda ka kaadinee. Markaa ayuu yiri: Geeloow khiyaarkaa marna hoos ka kaadi Marna kor ka kaadi. ( F.S: 1& 2aad)
    (Siyaasiyoow khiyaarkaa. Marka aad xil doon tahay iyo markaad xil heyso marba si Shacabka ula hadal)
    2.Haddii aad Gabar dhunkaneeyso indhaha ha isku qaban. saaxiibkeey ayaa yiri: Jeebkeeyga Qabyaa gashay. Wiilasha laftoodu Jeebka Gabdhaha waa baartaan, Dhunkashada iyo indhaha, xiriir xatooyo miyaa ka dhaxeeyo?. ( F.S: 3 & 4aad)
    (Haddaad Shidaal saxiixee, Indhaha kala fur)
  2. Nin faruuran ayaa Dhakhtar u tagay si Faruurta loogu sameeyo. Dhakhtarkii ayaa yiri: Maqaarka halka qofku uu wax ku cuno Bushimaha iyo halka wixii uu cunay ey ka soo baxaan Dabada waa isku eg yihiin, waa Maqaar jilcan. sidaa darteed Maqaar Dabadada laga jaray ayaa ku habloon in lagu talaalo Faruurta.
    Faruureey ayaa yiri: maya, maya, Dabadu iyada oo luuqaa ku jirto oo weliba lagu daboolay ayaan urkeeda ka joogi waayay, ma hadaad i leedahay Sannkaaga Deris ha looga dhigo ee halagu dhinac talaalo. ( F.S: 5, 6 &7aad)
    (Ethiopia iyada oo Adis joogto ayaan urkeeda ka joogi waayay, ma haddaa la i leeyahay Baydhabeey Bari u soo dhaafeen, Uf ).
  3. Gabareey haddii Saaxiibkaagii hore aad ka tagtay oo aad Shukaansato mid Hanriile ah. Macnuhu ma ahan in aad Adigu Hanti leedahay. Haddii Xiriirkiinu Xumaado waxaad la mid noqone Mobile ” Restart” loo diray. Ha dayicin Saaxiibkaagii Asalka ahaa.
    ( Ugaasoow, haddaad Tolkaaga ka raacdo Siyaasi, ogow marka Xiriirkiinu xumaado, waxaa ku sugaa “Restart”. Soo bilaaw ugaasnimadii, lamana hubo soo noqoshadaada)
  4. Haddii aad ka maseeyree xaaskaagu in ey Nin kale u qososho, marka hore guurso Naag aan ilka leheey, iyadaa ka xishoonee in ey Nin kale ku hor qososhee.(F.S: 8aad )
    ( Haddii aad rabto in go’aanadaada la wada ansixiyo, marka hore Baarlamaankaaga ka dhig mid aan ilka leheeyn)
  5. Nin Musharax ah oo Dood wadaag ka qeeybgalayay ayaa Dadkii oo dhan Su’aalo weeydiiyeen. Markii Dambe Nin Caalim hore ahaa oo waashay ayaa weeydiiy Su’aashaan: Nin ayaa ku dhax dhintay isaga oo ku jiro Goob lagu Cabo Khamriga, Nin kale ayaa ku dhintay isaga oo ku jiro Masjid. maxeey ku kala duwan yihiin?
    Musharixii ayaa yiri: Kii Baarka khamriga ku dhintay waa Dambiile, kii Masjidka ku dhintayna waa Ahlu khayr.
    Caalimkii waalnaa ayaa yiri: Ma sidaa ayaad Musharax ku tahay, Su’aalaha si fiican uga fikir intii aadan ka jawaabin. waxaa dhici karto kan Baarka khamriga galay, in uu u galay in uu Dadka ka waaniyo khamri Cabidda, kan Masjidka galayna waxaa Dhici karto in uu Masjidka u galay in uu Kabo ka soo xado.
    ( Ar kuwa Dooda Saxiixa Shidaalka ka qeyb galayoow Ogaal ha jiro, Dooda dhinaca kale ee Mustaqbalka ka fiiriya).

Qore Yahya Amir