1 min read

Soomaaliya iyoTurkiga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal.

Muqdisho:- Cabdi Saciid Muuse Cali Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Labada Wasiir ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed oo 5 ahaa, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay dareenka farxadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwada Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.