1 min read

QM oo ka digtay in Kumanaan ruux Cunno la’aan halis u geli karaan Febaraayo ilaa May 2022.

Hay’adaha kala duwan ee Gargaarka & Bani aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay halis cunno la’aan oo ay wajihi karaan Dalalka dagaallada iyo abaarta isugu darantay sanadihii u dambeeyay.

Ethiopia, Nigeria, Koofur Suudaan & Yemen ayaa ah waddamada ugu badan ee digniintaan la diray lagu muujiyay kaddib markii xog-uruurin ay sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka, beeraha iyo bani aadamnimada.

FAO & WFP ayaa wadajir u sheegay in saansaanta muuqata ay la tahay in dadkaan halis cunno la’aan ay la kulmi karaan Febaraayo ilaa May 2022, xalka keliya ee muuqda uu yahay in dhexda loo xirto sidii looga hortagi lahaa sida qoraalka lagu muujiyay.

Cunnada & Nabadgalyo la’aanta 2021 waxaa ka halis badan tan 2022 maadaama Dadka ay la dhibaateysan yihiin Abaarta dhulkii daaqa lahaa midab baddeshay, xoolo badan ay dhinteen halka qoysaska intooda badan naftooda kala baxsadeen deegaanno dhowr ah.

Liiska waxaa kusoo baxay waddamo la dhibaateysan Rabshadaha abaabulan, jahwareerka dhaqaale gaar ahaan saameynta taban ee Covid-19, is baddelka Cimilada, Ayaxa ku habsaday dhul beereed & Cunno yaraida ka taagan.

Dalalkaas waxa ay kala yihiin Myanmar, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Bartamaha Sahel, Suudaan, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Waqooyiga Itoobiya, Nigeria iyo Mozambique.

No description available.
Qariiradda oo laga dhex calaamadeeyay waddamada halista cunno la’aanta wajihi kara.

Dadka ku nool Dalalkaas ayaa ku qasbanaaday in ay deegaannadooda isaga barakacaan maadaama colaad aan dhammaad lahayn ay sababtay in ay naftooda la baxsadaan iyaga oo maciin biday meelo ay adag tahay la qabsiga dhanka nolosha.