2 mins read

Qaraxyo Xooggan iyo weeraro toos ah oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Waxaa Xalay Saq dhexe Muqdisho laga maqlay Qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Xaafada Daaru Salaam, degaanka Calamada iyo Ceelasha Biyaha oo dhamaantood ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weerarka ugu horeeya ayaa ka dhacay degmada Kaxda kadib markii Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Kaxda ku qaadeen weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana Saldhiga degmada ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab ayaa in muddo ah la wareegeen Saldhiga degmada Kaxda, isla markaana ay dab qabad siiyeen qeyb ka mid ah Saldhiga, iyaga oo ka qaatay laba gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka soona gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Sidoo kale weerar qarax ah iyo dagaal toos ah ayaa lagu weeraray saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus,waxaa sidoo kale jira qarax lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Huriwaa Axmed Nuur Adeeroow, waxaana sida uu xaqiijiyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Degaanada Ceelasha Biyaha iyo Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha weerarada ay xalay ka dhaceen kadib markii Al-Shabaab ay weerareen, waxaana xalay xaaladda Magaalada Muqdisho ay aheyd mid aad u kacsan,iyada oo deegaan ka mid ah Muqdisho ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook ku daabacay in Al-Shabaab ay xalay abaare 1:00 am weerar ku soo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ay iska difaaceen, isaga oo sheegay in faahfaahinta Shacabka la wadaagi doonaan ciidanka Booliska Dalka.

Dhanka kale Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay dareemeen cabsi xooggan intii dagaalada iyo qaraxyada socdeen, iyada oo sirasmi ah loo heyn dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalads iyo qaraxyada ka dhacay Magaalada Muqdisho.