1 min read

Dhuusamareeb oo maanta lagu dooranayo Laba Kursi oo Baarlamaan ah.

Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa maanta lagu dooranayaa labo kursi oo tirsigoodu yahay HOP#025 & HOP#081 oo musharixiinta u tartameysa uu diiwaangeliyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas.

Labadaan kursi oo kamid ahaa saddex xubnood isku jadwal kusoo baxay waxaa laga reebay HOP#053 sabab uu SEIT Galmudug ku sheegay in la dhammeystirayo habraacyadiisa balse Guddigu ma cayimin maalinta rasmiga ah ee la dooranayo.

HOP#025: Waxaa ku fadhisay Naciima Maxamed Gacal oo aan kamid ahayn musharixiinta isu diiwaangelisay, kursigaan waxa uu dhex yaallaa Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) Guddoomiyaha Degmada Dayniile & Xasan Cali Cusmaan.

Kursigaan ayaa ka wareegay qoondada dumarka maadaama labo Rag ay ku loolamayaan oo midkood uu ku guuleysanayo waxaana loo sababeeyay isbadel ka yimid dhanka beesha oo sanadkaan ka wareejisay Haweeney in ay ku metasho.

HOP#081: Maryan Cariif Qaasim ayaa ku fadhisay kursigaan balse waxaa shahaadada musharaxnimo u qaatay oo maanta u tartamaya Cadar Cali Maxamed & Nasro Maxamed Dalabey oo middood ay noqon doonto Xildhibaannad katirsan Baarlamaanka 11aad.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Dowlad-Goboleed SEIT Galmudug ayaa ku howlan Doorashada kuraas kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad oo loolankooda adag yahay marka la eego miisaanka musharixiinta.