|

Mareykanka: Muwaadiniinta ku harsan kraine oo loogu baaqay inay soo baxaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee ku haray dalka Ukraine in ay si deg deg ah uga baxaan dalka, sababo la xiriira hanjabaadaha sii kordhaya ee ku wajahan dhaq dhaqaaqa militari ee Ruushka.

Biden oo wareysi siiyay NBC News  ayaa xusay  in ciidamo  uusan u diri doonin dalkaasi si ay uga soo saaraan Ukraine.

Waa xaalad aad u adag, arrimuhuna si degdeg ah ayey isu bedeli karaan,waana dagaal caalami ah marka Mareykanka iyo Ruushka ay bilaabaan inay is rasaaseeyaan,” ayuu yiri Biden.

Baaqaan ayaa imaanaya ,iyadoo Ruushka ay bilaabeen dhoolatus ciidan oo dalkaasi uu ka sameynaayo dalalka deriska la ah sida xadka Ukraine iyo Belaruusiya

Ruushka ayaa dhawaan ku ururiyay in ka badan 100,000 oo askari meel u dhow Ukraine, taasoo keentay cabsi laga qabo in dalkaasi  uu qorsheynaayo weerar kale oo militari oo ka dhan ah deriskii hore ee Soofiyeedka.

Posted by on Feb 11 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]