1 min read

Dowladda Indonesia oo $13.9 Bilyan ku iibsaneysa Diyaarado dagaal.

Indonesia ayaa raadineysa dhabbe ay u marto sidii ay u cusbooneysiin lahayd diyaaradaheeda dagaalka oo duugoobay (Duqoobay) maadaama ciidankeena muddo dheer ay adeegsanayaan balse ay door-bideyso in ay la jaanqaado casriyeynta lagu sameeyay diyaaradaha.

Wasiirrada Gaashaandhigga Indonesia & France oo ku kulmay Magaalada Jakarta ayaa qalinka ku duubay in labada Xukuumad ay is dhaafsadaan dhaqaale iyo diyaarado casri ah oo lagu xoojiyo cududda ciidamada Dalkaas.

Prabowo Subianto oo ah Wasiirka Difaaca Indonesia ayaa bogaadiyay tallaabadaan oo xoojineysa awoodda iyo waaya-aragnimada Ciidamada Cirka Dalkaas si ay ula jaanqaadaan diyaaradaha casriga ay adeegsadaan dhiggooda Mareykanka & Faransiiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Indonesia ayaa intaas ku daray in Dowladdiisa ay ka go’an tahay in dhaqaale xooggan ku bixiso sidii loo hormarin lahaa awoodda Ciidamada gaar ahaan Ilaalada Xuduudaha iyo kuwa Cirka si ay uga dhex muuqdaan Qaaradda.

Prabowo ayaa dhanka kale sheegay in Mareykanka ay kasoo iibsanayaan Diyaarado dagaal oo la hubiyay tayadooda waxaana qiimo ahaan ku baxaya adduun lacageed gaaraya $13.9 Bilyan oo dollar sida uu hadalka u dhigay.

Mareykanka iyo Dalalka sameeyay agabka militariga ee casriga ah ayaa usoo jeestay in ay dhaqaale badan ka helaan waddamada daneynaya horumarinta Ciidamadooda si ay kor ugu qaadaan awooddooda.