2 mins read

Mogadishu oo Laba mar ey Meyto Xakuntay.

Sida Taariikhdu ey xusee waxaa jiray, Labo Wakhti oo Meyto Xakuntay Mogadishu ( F.S: 1aad)Mogadishu waxaa imaan jiray Doomaha Xaryanta ah wakhtiga Bad furanka. Doomankaa oo badanaa ka imaan jiray Wadamada Carabta iyo Hindiya. Doomanku waxa ey ku soo xira jireen Xeebta, laakin looma ogoleyn iney Badeecadda soo dejiyaan ilaa ey bixiyaan Cashuurta ey qaadi jirtay Magaaladu oo uu Masuul ka yahay Boqorka Magaalada oo markaa ahaa Imaamka Abgaal ee Magaalada xakumayay oo Xeebta kursi loo dhigi jiray si uu u soo dhaweeyo Ganacsatada una ogaado cashuurta laga qaadayo ee uu maamuli jiray Imamku.

Marka ay Bixiyaan Cashuurta ayaa waxaa Dooma yar yar qaadan jiray Wiilal Carabta Magaalada ah oo Ganacsatada Wakiilo ka ahaa.

Wiil waliba waxa uu soo wadi jiray Ganacsade, waxa uu keeni jiry Xarunta Ganacsi ee Waalidkii Magaalada ku lahaa. inta uu joogo waxa uu marti u yahay Qoyska Wiilka yar, iyaga ayaana Badeecada u iibinayo, Kadibna, Lacagtiisa oo dhameystiran ayaana loo keeni jiray, kadibna waxaa loo iibsanayay waxa uu rabo in uu Dalkiisa u dhoofiyo oo Doonta loo saaro.

Waxaa Dhacday in la gaaray Xiligii ey imaan lahaayeen Doomihii Xaryantu, wakhtigaa waxaa aad u xanuunsanaa, Imaamkii Abgaal ee Boqorka ka ahaa Magaalada kaa oo ahaa Imaam Maxamed oo ka mid ahaa Imaamyadii hore ee 17kii Imaam ee Magaalada soo Xakumay.

Wuxuu ku dardaarmay haddii aan Geeriyoodo Meydkeeyga 7 Cisho yaan la Aasin, kursigeeygii haleey dhigo Xeebta, haleeygu fadhiisiyo Cashuurtana ha lagu wareejiyo Caruurta Agoonta ah ee aan ka tagayo, inta uuna la wareegin Xilka Imaamka cusub, Bacdmaa Hantidii aan lahaa aan ugu adeegay Bulshada.

Dardaarankii waa la fuliyay, Sidaa ayuuna ku xakumayay Magaalada muddo 7 Cisho ah isaga oo Meyd ah.Waana halka ey ka timid, Murtida Taariikhda gashay ee ah: ( Reer Imaam iyaga oo Meyd ah iyo iyaga oo Noolba Xamar waa soo xakumeen)Xamar ayaa mar kale Feb. 2021- Feb.2022, waxaa Xamar Xakumay Dowlad Meyto ah oo Wakhtigii Sharciyaddu ka dhacay oo iyada oo ah Meyd Kursi ku fadhiyo Qaadaneeysay Cashuurta Dekedaha si ey Dhaxal ugu reebaan Caruurtooda.

Qore: Yahya Amir