1 min read

Maamulka Puntland oo Amaray in la toogto qofkii lagu qabto Khamri.

Cabdiladiif Muuse Sanyare Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Musug ee Puntland ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qaati ka taagan yihiin maandooriyaha khamriga oo siweyn loogu iibinayo meelo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in Khamriga ugu badan uu Gobolka Mudug kasoo galo dhinaca dowlad degaanka Soomalida Itoobiya, wuxuuna ku baaqay labada Shacab ee Gobolka Mudug & dowlad degaanka inay ka hortagaan khamrigaas.

Maamulku wuxuu uga digay dadka ku nool degaannada Gobolka Mudug isticmaalka iyo ka Ganacsiga maandooriyaha Khamriga, isaga oo amray in la toogto qofkii lagu qabto khamriga.

Dhanka kale Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka arrimiya Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dagaal kula jiraan maandooriyaha khamriga, iyaga oo howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad ka Ganacsanayay.