1 min read

Jan. Odowaa: “Cidna fasax ugama baahna howsheena”

Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegey in ciidamadii shaley la geeyey magaalada Beledweyne ay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Odowaa oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegey in Al-Shabaab ay halis ku yihiin amniga magaalada Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay magaalada ka dhacdo.

Waxa uu beeniyey in ciidamadan wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto dhowaan ee Golaha Shacabka.

Falastiin Axmed Iiman ayaa ugu horeyn weydiisey taliye Odawaa halka uu ku sugan yahay xilligan?.