25 May, 2024
1 min read

Midawga Yurub oo ‘liiska argagixisada’ ku daraya ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran.

Saraakiisha Midawga Yurub ayaa Jimcihii sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada […]

1 min read

Malaayiin qof oo biyo la’aan ku wajahaya qeybo ka mid ah Itoobiya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in inkabadan siddeed milyan oo qof oo ku nool qeybo ka mid ah woqooyi-galbeed gobolka Amxaarada ay haatan wajahayaan biyo la’aan baahsan, halkaasi oo ay saameysay coladda muddada ka jirtay gobolka deriska ah ee Tigreeda. Mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa sheegaya in colaaddii u dhaxeysay fallaaga gooni-u-goosadka ahi ee TPLF iyo dowladda […]

1 min read

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ukraine, ku xigeenkiisii iyo 15 qof oo kale oo ku dhintay shil diyaaradeed

KYIV — Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku […]

1 min read

Ciidamada Amxaarada oo ka baxay gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa xalay shaacisay, in ciidamada Amxaarada ee ka barbar dagaallamayay millatariga Itoobiya, ay ka baxeen gobolka Tigray. Ciidankan oo ka socday gobolka Amxaarada ayaa ka qeybgalay dagaalka sokeeye ee muddada labada sano ka socday gobolka Tigray, kaas oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo garabsanaya Erirea iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo dhinac ah iyo xoogaga […]

1 min read

Uganda oo ku dhawaaqday inay ka xorowday Ebola.

Uganda ayaa ku dhawaaqday inay cirribtirtay xanuunka ee dilay in ka badan 50 qof. Hadalkan ayaa daba socda muddo 42 maalmood ah oo aysan Uganda diwaangelin kiisas cusub. “Waxaan si guul leh u xakameynay dillaacitaankii Ebola ee Uganda,” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Jane Ruth Aceng oo sidan ku sheegtay munaasabad maanta ka dhacday Mubende. Dillaacitaanka […]