1 min read

Dalka Hindiya oo laga soo saarey talaalka sanka laga qaato oo Covid19 lagula tacalo.

Hindiya ayaa ansixisay tallaalkeedii ugu horreeyay oo Covid-ka sanka laga qaadanayo ah.

Waxaa sameysay shirkadda Bharat Biotech. Talaal iNCOVACC, ayaa waxaa loo isticmaalaa qaab dhibic ah, waxayna keeneysaa kicinta difaaca unugyada safan daloolka sanka.

Bishii Sebtembar ee sanadkii tagay ee 2022-kii, Shiinaha ayaa wuxuu oggolaaday tallaal neef ah oo Covid ah, oo lagu maamulo qaab buufin ah.

Saynis yahanadu ayaa waxay sheegeen in tallaalada sanku ay qofka siin karaan difaac dheeraad ah xuubka sanka iyo marinnada hawada sare, halkaasoo cudurka safmarka ee Covid19 caadi ahaan uu ka galo jirka.

Kooxaha cilmi-baarista ee UK iyo US, ayaa sidoo kale baarayay tallaalada sanka lagu buufiyo.

Bishii Nofembar, qeybta dalka Hindiya u qaabilsan dhanka hubinta dawada, ayaa oggolaatay isticmaalka talaalka iNCOVACC, sida qiyaas xoojin u ah dadka qaatay laba talaal oo kala ah Covishied ama Covaxin. Labadan tallaal ayaaa ah Hindiya gudaha gudaheeda kuwa ugu waa weyn, loona qaato xaaladdaha deg degga ah.

Bishii Disembar, ayaa waxaa u ansixisay qeybta dawada talaalkani, sida tallaalka aasaasiga ah, iyo tallaalka xoojinta ee xiga ee dadka waaweyn.

Tallaalku wuxuu ku kici doonaa 800 rupees ($ 10; £ 8) markiiba isbitaallada gaarka loo leeyahay, iyo 325 rupees halkiiba isbitaallada dowladda, waxaana ballansan lagaga qabsan karaa barta internetka ee dowladda. Laba qiyaasood waa in la qaataa 28 maalmood gudahood.