1 min read

Waa sidee xaaladda degmada Galcad kadib weerarkii Al-shabaab ee shalay?

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Jimcihii shalay ugu yaraan toddoba askari ku dishay xero ciidan oo ku taalla degmada Galcad oo ay dawladda Soomaaliya dib u qabsatay, sida ay sheegta wasaaradda warfaafinta, iyada oo xaaladda Galcad ay saaka degan tahay.

Weerarkaas waxaa ku dhintay Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed oo loo yaqaanay (Xasan Tuure), waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada dowladda ayaa todobaadkan la wareegay degmada Galcad iyo degmada Xarardheere ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayeen ururka Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa hoosta ka xarriiqay khatarta weyn ee Al-Shabaab, xilli ay socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay dowladdu billowday sannadkii hore oo ay guulo la taaban karo ka gaartay maleeshiyadan, iyada oo ka qabsatay magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in in marka laga soo tago dilka ay Al-shabaab u geysatay toddobada askari, ay askarta dowladdu dileen 100 ka mid ah dagaalyahannada kooxda, sidoo kalena ay burburiyeen 5 gaari oo kuwa qoryaha qaada ah oo loo yaqaan Tiknikada.

Kooxda al-Shabaab ayaa iyaduna dhinaceeda sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax-bannana aan loo xaqiijin karin.

Warbixintan waxaa ku jira macluumaad aan kasoo xiganay Reuters.