Burcad badeed Soomaaliyeed oo sii daayay markab uu ka babanaayay calanka Bangladesh.
1 min read

Burcad badeed Soomaaliyeed oo sii daayay markab uu ka babanaayay calanka Bangladesh.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Abdullah ayaa la sheegay inuu dhuxul ka soo qaaday dalka Mozambique, isagoo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana markabkan laga afduubay xeebaha Soomaaliya muddo bil laga joogo.

Budhcad-badeeddu waxay sheegeen inay heleen $5m (£4m), balse ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Waxaa sare u kacay afduubyada ka dhacay xeebaha Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay.

In ka badan 12 markab ayaa la beegsaday tan iyo dabayaaqadii bishii November.