Nasashada Jimcaha. Q- 404=Siyaasiyiinta hadii ay maqlaan Dolar Ogaalka ayaa ka taga=.
5 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 404=Siyaasiyiinta hadii ay maqlaan Dolar Ogaalka ayaa ka taga=.

Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe.

1. Mid cabtooy ah oo Dugsi Qur’aan ag marayay ayaa maqlay Macallinkii oo Ardaydii ku leh. ( Laan wax male) . Cabtooygii Inta ku soo leexday ayuu yiri: war ilmaha beenta ka daa, Laan waxa uu leeyahay Caleene. ( F.S:1aad).

( Qofka wax si ka yihiin, iyo Qofka aan wax hubsan, waxa ay dhiibtaan Jawaab aan ku habooneyn ula jeedada ficilka )

2. Macalin ayaa Sabuuradda ku Qoray Numbarka 8. kadibna Arday yar ayuu weeydiiyay Haddii 8 Labo loo qeeybiyo waa meeqo? Ardaygii ayaa ku yiri: waa 0. Macallinkii ayaa yiri: waa khalad. Macallinkii ayaa mar kale weeydiiyay Isla su’aashii. Ardaygii ayaa yiri: waa 3. Macalinkii ayaa yiri: waa khalad.

Yaa Saxan labadooda? Numbarka 8 ee Sabuuradda ku qoran haddii Dadab loo kala jaro waxa uu noqonaa Labo 0. Haddiise Dherer loo kala jarana waxaa kuu soo baxaa 3 . ( F.S: 2-4aad)

( Qofku su’aasha sida aad u rabto inuu u jawaabo khasab ma ahan, ee waa in uu u jawaabo sida uu u arako)

3. Qof kasta oo waalan haddii la weeydiiyo. ma waalan tahay? Waxa uu ku leeyahay : Maya, ma waalni. (F.S:5aad).

(( Adigu Hadda ma waalan tahay?))

( waa Su’ aal Haa iyo Maya midna aadan uga jawaabi karin. Ileeyn Adigu isma Hubtide, Haddii aad HAA tiraa, waxaad noo sheegtay in aad waalantahay. Haddii aad MAYA tiraana waxaad Bixisay Jawaabtii Dadka waalaan)

4. Naag ayaa seyeedii ku tiri: kaalay Alaabta Kushiinka taal ila dhaq. Waxa uu ku yiri: Ma Jaariyad baan ahay.
Waxa ay tiri: walba Albaabkaa jaban ee noo sameey. Waxa uu ku yiri: ma farasama yaqaan baan ahay.

Ninkii Xafiiskiisii ayuu aaday. Galabtii ayuu yimid Gurigii oo nadiif ah iyo Albaabkii oo la sameeyay.

Waxa uu ku yiri: intaan oo Howl ah ma kaligaa ayaad qabatay? Waxa ay ku tiri: maya ee Nin deriska ah yaa ii qabtay. Waxa uu ku yiri: meeqa Lacag ah ayaad siisay? Waxa ay ki tiri: Lacag maba siin, Laba shardi ayuu igu xiray. In aan siiyo Kiilo Hilib Geel ah ama in uu ii galmoodo.

Ninkii ayaa yiri: waan hubaa Kiilo Hilib Geel ah ayaad siisay. Waxa ay tiri: Maya, Anigu Kawaanle miyaan ahay. ( F.S:6aad)

(War Gurigaagu waxa uu u baahanyahay wax ka qabo, Af xumadana dhaaf, haddii kale sug jawaab u dhiganto)

5. Gabar ayaa Hooyadeed ku tiri: Hooyo Laba Bilood dhiig caado iskuma arag. Hooyadii ayaa kaadi ka qaaday. Waxaa lagu yiri: Uur ayeey leedahay. Hooyadii oo xanaaqsan oo murugeysan ayaa Gurigii timid. Aabe iyo Hooyo oo wada fadhiyo, ayaa Gabadhii wacay, kuna yiri: yaa ku uureeyaya. Uma jawaabin ee Telephone ayey wacday, waxa yar kadib waxaa yimid Nin taajir ah oo Magaalada Caan ka ah. Waxa uu yiri: Aniga ayaa Uureeyay, laakin xaaladda aan ku suganahay iyo qoyskeyga oo Hodon ah iyo Adinka oo fakhri ah gabadhaan ma guursan karo. Laakin hal balan ayaan idinka qaadayaa, haddii ay Gabar dhasho waxaa idin siinaa Hal Milyan Dollar , Guri iyo Gaari, haddii ay Wiil dhashana Laba Milyan Guri iyo Gaari, Haddi ay Mataano dhasho 4 Milyan 2 Guri iyo 2 Gaari. Waana igu ballan ayuu yiri, Waana istaagay. Waxa kale uu yiri Taajirkii, laakin haddii ay waxba dhali weeydo maxaa la sameeynaa? . Aabihii Gabadha ayaa garabka ka taabtay Taajirkii kuna yiri: Haddii ay wax dhali weeydo dhib male, mar kale ayaad u noqee si ay Uur u qaado. (F.S:7aad)

( Dadka qaar siiba siyaasiyiinta, waxaa ka mid ah, kuwo haddii ay Dollar maqlaan Ogaalku ka tago, oo leh, Somaliya dhibta dib ha loogu celiyo si aan Dollar u helno)

6. Oday ayaa Wiilkiisii yaraa ku yiri: u tag Ninka Farmashiyaha ee iiga soo qaad Kaniiniga Buluugga ah ee Ragga kaliya ay isticmaalaan. Hana kuu soo sheego sida loo cunayo.

Wiilkii ayaa u tagay Ninkii Farmashiyaha, Kaniinigii ayaa loo soo dhiibay. Waxaana lagu yiri: 6-dii Saacba Hal Xabo ha cuno.

Wiilkii Kaniinigii ayuu u geeyay Aabihii, laakin waxa uu khalday sida loo isticmaalayo, Halkii uu dhihi lahaa, 6-dii Saacba, Hal xabo. Ayuu ku yiri: Halkii Saacba 6 Xabo.

Maalma kadib ayaa Dhakhtarkii waxa uu wadadda ku arkay wiilkii, waxa uuna ku yiri: Aabe ka waran?. Wiilkii ayaa yiri: kaniinigii waan u geeyay waana u sheegay in Halkii Saacba uu 6 Xabo cuno. Dhakhtarkii oo Naxsan ayaa yiri: Aabe Hadda ma noolyahay. Wiilkii ayaa yiri: waa noolyahay, waana kuu mahadcelinaayay.

Laakin Arin kale ayaa Xaafadda ka jirto.
Hooyo waa dhimatay, Macalimaddii Guriga wax igu bari jirtayna meel ay jaan iyo cirib dhigtay waa la la’yahay. Jaariyadii Guriga joogtayna Isbitaal ayeey ku jirtaa. Naag Xaafadda deganeyd oo aan weligeed wax dhalinna Uur ayeey leedahay. ( F.S:8aad)

( Siyaasadda Somalidu ameey 9-ka Dastuur ee Dalka ka jirto sida ay u qoran yihiin si aan aheyn ugu dhaqmaan. kadibna, Hooyada Federaalku dhimataa, Somali land meel ay Jaan iyo Cirib dhigtay la waayaa, Koofur Galbeed Isbitaal gashaa, khaatumo uur yeelataa, Juba land deriska aadaa, Banadir oo Baraarugtay, Hirshabeele Tacsideeda la soo hormariyaa, Galmudugna Foosha ku dhibtootaa. Kadibna Dowladda dhexe loogu hambalyeeyaa Guulaha la gaartay. War Somaliyeed, wixii lagu heshiiyo hala fuliyo)

Qore: Yahya Amir